Akhriso: waqtiga rasmiga ah oo ay dhacayso doorashada aqalka sare ee Hir-Shabeele

by Hassan Ali | Friday, Nov 4, 2016 | 139 views

4,November,2016(SofoNews) Cali C/laahi Cosoble madaxweynaha maamul Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa sheegay in doorashada xubnaha Aqalka sare u matalaya maamulkaasi la dooran doono Maalinta Axadda ah oo ay Taariikhdu ku beegan tahay November 6, 2016.

Madaxweyne Cosoble  ayaa intaa ku daray inay inta ka horreyso dhammaysan doonaan howlo yar yar oo ku aaddan dhammaystirka hannaanka doorashada, taasoo ay xigi doonta doorashada Aqalka hoose ee Baarlamanka Dalka.

Guddoomiyaha Baarlamanka Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cusmaan Barre Maxamed, ayaa Laba Cisho ka hor ka dhawaajiyay inay diyaariyeen Aqalka sare, balse masuuliyiinta kale ee maamulkaasi ayaa codsaday in lasii turxaan bixiyo haddii ay jiraan tabashooyin ku aaddan saami qaybsiga Kuraasta.

Waxaa lafilaya in bishan November dhamaadkeed ay dalku ka dhacaan doorashooyinka madaxtinimo iyo tan baarlamanaka inkastoo weli ay jiraan caqabado ku aadan xagga waqtiga iyo diyaarinta ergada.

Like it? Share it!

Leave A Response