Akhriso magacyada liiska xildhibaanadii lagu doortay Cadaado maanat iyo shalay

by Hassan Ali | Thursday, Nov 17, 2016 | 224 views

17,November,2016(SofoNews) Doorasahad baarlamanaka federaalka Soomaaliya aqalkisa hoose umaalaya Galmudug ayaa weli socota ayadoo xubnihii dhawaan la doortayna ay kala yihiin.

Xildhibaan Cabdulqaadir Gaafoow Maxamuud oo ku soo baxay Doorashada xubnaha baarlamaanka ee Aqalka Hoose ee maanta ka dhacday magaalada Cadaado waxaana uu la dhashay taliyaha cusub ee hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliyeed ee C/laahi Gaafow Max’uud.

Mudanahaan ayaa waxaa la tartamayay, Maxamed Maxamuud Guure, Sakariye Maxamed Cosoble iyo Cabduqaadir Nuur Caraale, inkastoo ay tanaasuleen xubnahaan markii danbe waana dorashadii maanta dhacday.

Shalay ayaa waxaa lagu doortay magaalada Cadaado xildhibaano gaarayay 8-xildhibaan kuwaasi oo kala ahaa.

1-Mustaf Shiikh Cali dhuxulow

2-Xuseen Qaasim Yuusuf

3-Xirsi Aadan Rooble

4-Maxamed C/lle Faarax(geeseey)

5-Xasan Macalin Maxamuud

6-Bootaan Ciise Caalin

7-Saadaq Cabdikariin Xaaji Ibraahin

8-Cadow Cali Gees

 

Like it? Share it!