Akhri: Kursiga Shariif Xasan oo Liicanaya

by admin | Saturday, Mar 18, 2017 | 138 views

18 March 2017 (SofoNews) – Inkabadan 70 Xildhibaan, oo dowald goboleedka Koonfur Galbeed katirsan ayaa gudbiyay Mooshin ka dhan ah Sharif Xasan Sheekh Aadan, madaxweynaha maamulkaasi.

Xildhibaanada ayaa ku eedeeyay Sharifka maamul xumo, iyaga oo sheegay in uu ku guul dareystay fulinta howshii loo doortay. Waxay xildhibaanadu gudbiyeen Mooshin ay ka doodi-doonaan 20 Bishan, Isniinta soo aadan.

Sida wararku ay sheegayaan xildhibaanada ayaa doonaya in ay kalsoonida kala laabtaan madaxweynaha galaangalka badan, Shariif Xasan.

Hogaamiye dowlad goboleedka ugu fac-weyn Soomaaliya ayaa lagu yaqaanaa siyaasad aad u dabran oo fahamka halka ku socoto ay adagtay, hasee yeeshee qaar kamid ah dadka dhaleeceeya ayaa ku doodaya in maalmihii wacanaa ay gabaabis ka yihiin hogaamiyaha.

Shariif Xasan ayaa xafiisyo muhiim ah oo maamulkiisa katirsan gacanta u geliyay xubno ay isku qoys yihiin sida wasiirka madaxtooyada Mursal, isaga oo haatan galaangal ugu jira in walaalkiisa wasiirkii hore ee caafimaadka uu ku soo laabto golaha wasiirada.

 

 

Like it? Share it!