Ahlusuna oo gacanta ku dhingaty in xaaskiisa ku bireeyey Guriceel

by Hassan Ali | Monday, Mar 13, 2017 | 122 views

Sida ay goob joogayaal ku waramayaan, Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ka dhacday arin yab ku noqotay dadka deegaankaasi kuwaasi oo marqura ku soo baraarugay in Saakay Nin ka mid ah Dadka Degaanka uu Xaaskiisii ku Gowracay Gudaha Magaalada.
Lama garanayo ilaa iyo haatan sababta ka dambeysay falkaasi balse waxaa wararku ay sheegayaan in Ninkaan oo lagu Magacaabo Maxamed Xaaji Cabdi Siyaad uu ahaa nin maskax ahaan uusan fiyoobeen.
Waxaa la sheegey in ay xaaskiisa uu bireeyey ay isku dhaleen ilaa 7 carrur ah taasi oo fajiciso ku dhalisay dadka deegaanka.
Xaaska la Gowracay ayaa Magaceeda waxaa lagu sheegay Canab File ,waxaana Ciidamada Maamulka Ahlusunna ay qabteen Gacan ku dhiiglihii Falka Foosha xun geystay.
Dadka ku nool Magaalada Guriceel ayaa dhacdadaan waxaa ay ku noqotay Amakaag,iyadoo ay tahay middii ugu horeysay ee Degmada ka dhacda.
Falalka nuucaan ah ayaa ku cusub inta badan dhagah bulshada Soomaaliyeed balse waxaa mararka qaar dhacda in falalkani deegaano kamid ah Soomaaliya ay mar ka dheceen.

Like it? Share it!