Ahlusuna gobolada dhexe oo fasaxday Radio Galgaduud

by Hassan Ali | Friday, Dec 30, 2016 | 183 views

30,December,2016(SofoNews) Waxaa dib hawada ugu soo laabtay Radio Galgaduud oo ah Idaacad Madax banaan oo ka howlgasha Magoolooyinka Guriceel iyo Dhuusomareeb  kadib markii la xiray 14kii November 2016 oo 45 maalmood kasoo wareegatay.

Talaabadan Dib u furitaanka Radio Galgaduud ayaa timid kadib wadahadal  dhexmaray Masuuliyiinta Maamulka G/dhexe iyo Maamulka Radio Galgaduud taasi oo ugu danbeyn keentay in laisku fahmo dib u furitaanka Radio Galgaduud.

Madaxa Warfaafinta Maamulka G/dhexe muxuyadiin Cali Jimcaale Jakuula ayaa sheegay in ku faraxsanyiihiin in Maamulkooda ay dib u fasaxaan Radio Galgaduud ayna si dhaw ula shaqeyn doonaan Idaacadda.

Agaasime ku xigeenka Radio Galgaduud C/qaadir Guure Barre ayaa sheegay isna in Maamulka Idaacada ay diyaar u yihiin in dhaqan galiyaan wadahadalka labada dhinac dhexmaray si wada shaqeynta u wanaagsanaato.

 

 

Like it? Share it!

Leave A Response