Agaasimihii maamuuska madaxtooyada Soomaliya oo safiir kuxigeen loo magacaabay

by Hassan Ali | Friday, Mar 31, 2017 | 105 views

31,March,2017(SofoNews) Warar laga heleyo madaxtooyada soomaaliya ayaa sheegaya in agaasimihii hore ee Hab Maamuuska Madaxtooyada iyo Kaaliyihii gaarka ahaa ee Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/raxmaan Aadan Cusmaan (Kampala) loo magacaabay Safiir Kuxigeenka Soomaaliya ee dalka Kenya iyo Qunsulka koowaad ee Safaaradda.
C/raxmaan Kampala ayaa bedelaya Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan oo horay xilkan u hayay, kaasoo hada ah Senator ka tirsan Aqalka sare.
Wararka ayaa sheegaya in magacaabistan ay horu dhac u tahay, is bedel la filayo in lagu sameeyo Safaaradda Soomaaliya ee Kenya, iyadoo safiir cusub dhowaan loo magacaabi doono.
Safiirkii Soomaaliya u fadhiya Kenya Amb. Jamaal Maxamed Hassan ayaa waxaa loo magacaabay xilka Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta dhaqaalaha.
Talaabadan ayaa qeyb ka ah dadaalo hogaanka cusub ee dowladda uu ku doonaya in isbdel lagu sameeyo hay’adaha dowladda iyo mas’uuliyiinta

Like it? Share it!

Leave A Response