Abu Zakariya Al-Britani oo qarax ismiidaamin ah ka fuliyaya Ciraaq

by Hassan Ali | Wednesday, Feb 22, 2017 | 105 views

22,February,2017(SofoNews) Warar laga sii dayaay warabaahinta dalka Ingiriista ayaa muujinaya in nin u dhashay Britan oo horey uga mid ahaa Kooxda Al Qaacida uu fuliyay weerar ismiidaamin ah oo isbuucii hore lagu weeraray Saldhig Milliteri oo ku yaalla magaalladda Mosul ee Waqooyiga dalka Iraq.
Ninkan oo lagu magacabo Abu Zakariya Al-Britani oo heestay dhalashada dalka Britain ayaa laga soo daayay xabsiga Guwatanamo Bay ee kuyaal Jasiiradda Cubba ee dhacda Waqooyiga America sanadii 2004-tii, waxaana ninkan ku eedeesanaa in uu xubin ka ahaa kooxda Al Qaacida.
Talaabada lagu sii daayay ninkani ayaa waxaa ka qeyb qaadatay dowladda Ingiriiska kadib in muddo ah ay daba joogtay in muwaadinkaasi oo u dhashey dalkeeda xabsiga laga siidayo.
Wararka qaar ayaa sheegaya in magaciisi hore uu ahaa Ronald Fidler balse mar dambe uu labaxay magaca Abu Zakariya Al-Britani markaasi oo uu ku biiray kooxaha Daacish ee ka dagaalaya qeybo kamid ah caalamka.

Like it? Share it!

Leave A Response