Abshir Bukhaari oo ku guuleystay guddoomiye kuxigeenka 1aad ee aqalka sare

by Hassan Ali | Sunday, Jan 22, 2017 | 153 views

22,January,2017(SofoNews) Tirinta Codadka wareegii ugu dambeeyay Doorashada Gudoomiye kuxigeenka koobaad ee Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa la soo geba gebeyeey .

Doorashada kursigan oo aheed mid aad u adkeed wareeg sedexaadna loo gudbay ayaa ugu dambeyn waxaa ku guuleestay Xildhibaan Abshir Maxamed Axmed(Bukhaari) oo helay 30 halka Musharaxa Dhag dheer uu helay 22-cod

Guddoomiye kuxigeenka 2aad ayaa hataan socota doorashadiisa ayadoo dhawaan lafilayo in la soo geba gebeeyo doorashada guddoomiye kuxigeenka 2aad.

Amaanka goobta doorahsada ayaa ah mid siweyn loo adkeeyeye waxana hakad kujira isu socodka dadka iyo gaadiidka

Musharaxiinta Guddoomiye ku xigeenka Labaad.

  1. Hodan Maxamuud Cusmaan.
  2. Osmaan Axmed Maxcow.
  3. Iftiin Xasan Baasto.
  4. fartuun Cabdulqaadir Faarax.
  5. Sacdiyo Xasan Cusmaan
  6. Mowliid Xuseen Guuleed
  7. Cabdikaafi Macalin Xasan

 

Like it? Share it!