Abaabul dagaal oo ka dhan ah Daacishka oo ka soconaya buuralayda gobolka Bari.

by Hassan Ali | Thursday, Nov 3, 2016 | 130 views

3,November,2016(SofoNews) Wararka ay SomaliaFocus ka heleyso buuralayd gobolka Bari ee Puntland ayaa sheegaya in weli halkaasi ay ka soconayaan abaabulo dagaal oo ka dhan ah koxda Daacish oo dhawaan qabsaday deegaan xeebeedka Qandale ee Puntland.

Deegaankaasi oo ah goob muhiim ah ayaa waxaa ku sii qulqulaya gaadiidka gaashaaman ee dagaalka oo ay leeyihiin ciidanka Puntland kuwaasi oo doonaya in ay kooxahasi ka saaraan buuralayda gobolkaasi Bari.

Madaxweynaha dowlada goboleedka Puntland C/weli Gaas ayaa ku hanjabay in Daacish ay ka ciribtirayaan Puntland, sidoo kale waxaa wararku ay sheegayaan in diyaarado iyo maraakiib dagaal oo aan la garanaynin ciidda iska leh ay dhaq dhaqaaqyo ka wadaan halkaasi.

Hadal haynta ugu badan ayaa ah xisadaha ka oogan Puntland ee u dhexeeya kooxda Daacish iyo ciidanka PUntland, muuqaalo laga soo duubaya buuralaydaasi ayaa muujinaya isku hub uruursiga iyo diyaar garowga dagaal.

Magalaad Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa waxaa gaaray qoysas ka barakacay deegaanka Qandala yagoo ka cabsi qaba in ay dhibaatooyin kala kulmaan kooxda Daacish.

Like it? Share it!

Leave A Response