Guddoomiye Jawaari oo ka mid noqonaya xubnaha beri lagu dooranayo baydhabo

by Hassan Ali | Monday, Nov 7, 2016 | 156 views

7,November,2016(SofoNews) Wefdigan oo uu hogaaminayo gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay halkaasi ay ka bilaabanayso  doorashada aqalka hoose ee baarlamaanka Soomaaliya.

Warar ay heleyso SomaliaFocus ayaa sheegaya in  ujeedka safarka gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya uu yahay labo arimood oo kala ah inuu u kuurgalo sida loogu diyaar gabooray qaban qaabada howlaha doorasho ee ka socota magaalada baydhabo iyo sidoo kale inuu ka qeyb galo doorashada aqalka hoose maadaama kurisigiisa yaalo magaalada  baydhabo xarunta kmg koofuur galbeed.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Koofur Galbeed oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay inuu gudoomiyaha baarlamaanka JFS soomaaliya uu ku soo dhaweeyo magaalada Baydhabo, waxa uuna xusay in scodaalkaan uu yahay kii labaad uu ku yimaado magaalada asigoo u kuur galaya xaalada doorashada aqalka hoose waxaan leeyahay gudoomiye ku soo dhawaw baydhabo.

Dhanka kale, Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa  ka mahad celiyay soo dhaweynta loo sameeyay waxa uuna  sheegay in uu u kuurgali doono xaalada doorashada aqalka hoose ee ka balibaan doonta Baydhabo, dibna uu u bilaaban doono howlihiisa ku aadan inuu u tartamo kursiga baarlamaan ee uu ku leeyahay magaalada Baydahbo xarunta gobolka bay.

Maalinamada beri ah ayaa la filayaa in magaalada Baydhabo ay ka bilaabato doorashada aqalka hoose baarlamaanka soomaaliya iyadoona maamulka koofur galbeed laga doonayo inuu soo xulo xubno gaaraya 67 xildhibaan kuwaasi oo ka mid noqon doono baarlamaanka cusub ee soomaaliya.

Like it? Share it!

Leave A Response