9 boqol oo qoys oo abaartu ay saameysay ayaa soo gaaray Muqdisho

by Hassan Ali | Monday, Feb 20, 2017 | 107 views

20,February,2017(SofoNews) Barakacayaal Hor leh oo lagu qiyaasay Sagaal Boqol oo Qooyska kana soo hayaamay Abaaraha Ku dhuftay Qaar KaMid ah Gobolada Dalka ayaa soo gaaray Degmada Kaxada oo kamid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir .

Barakacayaashaasi oo ka soo hayaamay gobolada Bay, Bakool iyo Shabeelada Hoose,waxaa qeybo ka mid ah Waaxyaha Cumar Fiyaasko iyo Shimraaleh ku soo dhoweeyay maamulada iyo dadweynaha halkaasi.
Barakacaashaan oo ah kuwii Ugu Badnaa ee Ebed Soo Gaara Degmadaasi Dhibaatooyinka La Xariira Dhinacyada Caafimaadka Waxbarashada iyo biyaha ‘Mana jiraan Hooy ay ka galaan Dhaxanka iyo Qabawga Daran .
haweenka Barkacayaasha ah ayaa qaar kood Waxaa ay Nolosha Qooyska Ku Dabaraan Qidmooyinka yaryar ee ay Ka Soo Helaan dadka ay Dhar Udhaqaan ku Waasi oo Ku dabara Nolosha Qooyskooda Halka raga Qaarna Ay Xaamalato Yihiin .
Cudurro ayaa ka Dilaaca Kaamamka Sida shuban Biyood iyo Jadeecada iyo Iwm Ma Helin Dadka Wax Dawa ah Ama Gargaar ah Marka Laga reebo Hay’ada Wardi oo Barakacaasha Dhawr Mar Ufidisay Baaritaano Caafimaad oo Lacag La’aan ah .

Maamulka Degmada oo uu horkacaayo Gudoomiye Ku Xigeenka Amniga Amniga Degmada Kaxda CabbdiNaasir Xasan Cali Waxaa uu sheegay in Degmada aysan Dabooli Karin baahdida ay Qabaan dadka ee Waxyaabaha Aasaasiga u ah Noloshada waxaa uu sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir uu Soo Gaarsiiyay Gargaarkii Ugu Horeeyay Waxaa uu Qayladhaan Udiray Dawlada Dhexe Maamulka Gobolka dadka Wax haysta.
Qaar ka Mid ah Bulshada Degmada Kaxda oo ka Jawaabaya qayla Dhaanta uu Maamulka Degmada ka Muujinayo Xaalada nololeed ee Barakacayaasha iyo Wacyigalin ay Culumada Awdiinku ka Sameeyeen Qaar ka Mid ah Masaajida Demadaasi Waxaa Maamulka uu Ku wareejiyay Culuma Awdiinka Degmada Raashin iyo Gargaar ah ay iska Soo Aruuriyeen Dadka Shacabka Degmadaasi.

Ugaas Sheekh cabduqaadir yuusuf Gabyaa oo Ka Mid ahaa Culama Awdiinkii Maamulka Degmadu uu Ku wareejiyay Deqdaasi loogu Talagalay in la Gaarsiiyo Barakacaasha ayaa la Hadlay ayaa ugu baaqay Bulshada Soomaaliyeed inay Ku Daydaan shacabka Degmada Kaxda ayna Ugurmadaan Dadka Walaalahooda ay Abaaruhu ku Saameeyeen Gobolada Dalka ee Soo Gaaraya Magaalada Muqdisho .

Gudoomiyaha Degmada Kaxda Maxamad ismaaciil Cabdulaahi ayaa Uga Mahadceliyay Shacabka Degmada ee muujiyay isxilqaan Waxaana uu Tilmaamay in Nolosha iyo Gurmad Soo Gaaray aysan isku Dhigmin loona Baahanyahay gurmad intaa Ka Badan in Lala Soo Gaaro barakacaasha Degmadaasi .

Like it? Share it!

Leave A Response