60 Ruux oo u dhintay Daacuun ka dilaacay Qansax dheere Gobolka Baay

by admin | Thursday, Mar 16, 2017 | 111 views

16 March 2017 (SofoNews) – Sida uu warbaahinta u xaqiijiyay Gudoomiyaha Degmada Qansax dheere Isaaq Cabdi Axmed, ilaa 60 ruux ayaa saacidihii ugu dambeeyay cudurka daacuunka ugu dhintay degmada Qansaxdheere.

Cudurkan oo ah mid halistiisa ay badantahay ayaa si lama filaan uga dilaacay degmada oo ah mid ay go’doomiyeen al-Shabaab. Dadka uu soo ritay cudurka ayaa lagu hayaa goob gaar ah si loo karantiilo, waxaana sida maamulka uu sheegay laga cabsi qabaa in tirada ay sii kororto.

Gobolka Baay ayaa kamid ah deegaanada sida ba’an ay u saameysay abaarta sida ba’an ugu dhufutay gobolka gaar ahaan Soomaaliya iyo Suudaanta Koonfureed, waxaana dhowaanahanba isa soo tarayay qul qulka dadka bad baadada ka soo raadinaya magaalada Muqdisho.

 

Maamulka Koonfur galbeed ayaa lagu eedeeyay musuq maasuq iyo ku tagrifal hanti tabarucaad ah oo loogu talagalay in lagu samatabixiyo dadka tabaaleysan.

Xoghaya guud ee Qaramada Midoobay oo dhowaantan booqday Baydhabo oo dad badan ay ku soo barakaceen, ayaa dunida ka codsaday si deg deg ah in gurmad loo sameeyo.

Like it? Share it!

Leave A Response