6 qof oo Shabaabnimo ku eedeysan oo xabsi daa’in lagu xakumay

by Hassan Ali | Thursday, Dec 22, 2016 | 138 views

22,December,2016(SofoNews) Ragga maanta la xukumay ayaa waxay qeyb ka ahaayeen sida Maxkamddu sheegtay 41 qof oo bishi Maarso ee sanadkaan lagu soo qabtay Deegaanada Afbarwaaqo Dintoow iyo Towfiiq ee Bariga mudug oo ay Dagaalo kula galeen Al Shabaab Maamulada Galmudug iyo Puntland.

Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ayaana sheegtay in 6 daan Nin ee maanta la xukumay ay ugu dambeeyeen 35 Nin oo ay Maxkamadu Horey u Xukuntay, laguna soo wada qabtay dagaalada ka dhacey bariga Gobolka Mudug.

Guddoomiyaha Maxkamada Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya Gaashanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa Warbaahinta Xukunka Maxkamada ku qaaday ragaan u akhriyey.

“Maxkamada darajada koobaad ee ciidamada qalabka sida waxey maanta u fariisadey 6 daan Nin oo bishi Maatrso ee sanadkaan lagu soo qabtay dagaalo al-shabaab ay bariga Mudug kula galeen Maamulada Galmudug iyo Puntland iyaga iyo 35 Nin oo kale oo ay Maxkamadu horey u Xukuntay, waxeyna Maxkamdu Ragaan ku Xukuntay 6-doodaba Xabsi Daa’in”, ayuu yii Guddoomiyaha.

Like it? Share it!

Leave A Response