6 oo ku dhimatay gaari hubka Baasuukaha ah lagula beegsaday Shabeelaha Hoose

by Hassan Ali | Sunday, Dec 18, 2016 | 199 views

18,December,2016(SofoNews) Wararka ay Somaliafocuse ay ka heleyso gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in gaari siday qudaar hub nuuca Baasuukaha gacanta lagu gano lagula beegsaday meel qayaas ahantii 5 KM u jirta degmada Qoryooley ee gobolka SHabeelahaha Hoose.

Macadda ilaa iyo haatan cidda ka dambeysa falkaasi balse goobjoogayaal ayaa sheegaya in gaariga xili habeen ah la qarxiyay kaasi oo ay sarnaayeen ilaa 6 qof oo 3 kamid ah ay hawen ahaayeen kuwaasi oo dhamaantoodi ku dhintay dhacdadaasi.

Wararka ayaa sheegaya in gaarigaasi uu qudaar u waday magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay kaasi oo inta badan ka ganacsatda inta ud hexeya gobolada Bay iyo Shabeelaha Hoose.

Gaariga hubkaasi lagu dhuftay ayaa la sheegey in gebi ahaanba uu basbeeley waxaana dadka deegaanka ay ku mashquulsanyihiin sidii loo aasi lahaa meydadka dadkaasi oo la sheegey in xitaa la kala garan karain.

Degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha Hoose waxaa gacanta ku haya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Amisom ilaa iyo haatana majirto cid xaqiijin karta dadka falkaasi ka dabeyeeyay.

Like it? Share it!