6 dhalanyaro ah oo gabdho ku kufsaday Galdogob oo la maxakamadeeyey

by Hassan Ali | Sunday, Jan 29, 2017 | 123 views

Kadib dadaalo dheeraad ah oo ay sameeyeen waxgaradka, mas’uuliyiin iyo culimaa’udiin ayaa waxaa go’aan laga gaaray dacwada loo haysatay dhalanyaradii kufsiga ka geysatay degmada GAldogob ee gobolka Mudug..

Waxaa maanta degmada Gal-dogob kadhacay xukun lagu ridey dhalinyaradaasi oo  dhowaan kufsaday gabar Soomaaliyeed , iyadoona ay goobta ku sugnaayeen mas’uuliyiin kala duwan, culimo iyo dad ehel ah.

Guddiga Culumada iyo Madaxda Maamulka Puntland ee halkaa ku sugan ay si wada jir ah ugu dhawaqeen Xukunka 6 dhalinyaro ah oo lagu helay in ay miyiga Deegaankaasi ay ku kufsadeen Labo gabdhood.

Xukunada lagu riday dhalinyaradaasi ayaa waxaa ay kala ahaayeen sida tan Shirwac Jaamac Juunle  oo maxakamaddu ay ku ridday 10 Sano oo Xarig ah iyo 200 oo Jeedal ah ama karbaash.

Sidoo kale Yaasir Maahir 8 sano oo Xarig ah iyo 200 oo Jeedal ah,

Yaxye Cabdulaahi Awkax 6 Sano oo xarig ah iyo 100 Jeedal ah.

Ayaanle Wale 7 Sano iyo 100 Jeedal.

Cabdirisaaq Xoosh Jabriil 5 Sano oo Xarig 100 jeedal ayadoo ahlkaasi ay ku wada sugnaayeen culimaa’udiin, waxgarad, iyo qeybaha bulshada kuwaasi oo goob joog ka ahaa qaabka xukunkaasi uu u dhacay.

 

Like it? Share it!

Leave A Response