46,000 kun oo dollar oo loogu deeqey guddiga abaaraha

by Hassan Ali | Saturday, Mar 25, 2017 | 99 views

25,March,2017(SofoNews) Kulan wadajir ah oo jaaliyaada ay ku yeelatay magaalada Cape Town ayaa waxaa ay ugu arrinsandeen lacagahaasi, waxaa ayna sheegeen in guddiga abaaraha Qaran ee Soomaaliya ay ku wareejinayaan lacag dhan $46,000 oo laga soo uruuriyay dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobalka WesternCape.

Mohamed Hassan oo jaaliyadda ay ku wareejisay lacagtaasi ayaa waxaa uu dhankiisa sheegay in saacadaha soo socda uu lacagtaasi u diri doono Guddiga Abaaraha Qaran ee Soomaaliya.

Qaar kamdi ah waxgaradkii soo xaadiray kulanka ayaa sheegay iney
marqaati ka yixiin qaabka loo wareejiyay lacagataasi, waxayna istaasi ku dareen in ay si gaar ah ugu duceynayaan dhamaan intii ka
qeybqaadatay dadaalada loogu gurmanayo dadka baahida ugu dhimanaha gudaha Soomaaliya.

Dhalinyaro rag iyo dumar isugujiray oo iskood isku xilqaamay
islamarkaana lacagahaasi wax ka soo uruurinayay ayaa sheegay iney
dadaalada sii wadi doonaan tani iyo inta ay baahinyihiin dadka ay
saameysay abaarta ku dhufatay Soomaaliya.

Like it? Share it!

Leave A Response