4 badmax oo Yeman u dhashay oo laga siidayaya xabsi Galmudug kuyaal

by Hassan Ali | Wednesday, Mar 1, 2017 | 126 views

1,March,2017(SofoNews) Maamulka Galmudug ayaa cafis ufidiyay 4 badmaax oo u dhashay dalka Yeman kuwaasi oo ay maxkamada Galmudug 8dii Febaraayo ku xukuntay ganaax lacageed oo gaarayay 60kun oo doolar kadib markii ciidamada ilaalada xeebaha Galmudug ay soo qabteen iyagoo si sharci dara ah uga kaluumeeysanaya xeebaha Degmada Hobyo ee Gobalka Mudug
Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliiska Galmudug korneyl Cabdi Jaamac Cabdulle (Xabeeb) ayaa warbaahinta Qaranka u aqriayay warqada cafiska loogu fidiyay afarta badmaax oo magacyadoodu kala ahaayeen Nabiil Cali Maxamed,Rabiic kuleyb Maxamed,Fu’aad Cali Maxamed,Najiib Yaxye Zaciim waxaana uu yiri taliye xigeenaka Ciidamada booliiska Dowlad Gobaleedka Galmudug.
Taliyaha ayaa sheegey in dowlad gobaleedka Galmudug uu cafidiyay 4taan badmaax oo udhashay dalka Yeman kuwaasi oo lasoo qabtay iyagoo sharci daro uga kalluumeysanaya xeebaha Degmada Hobyo islamarkaana Maxkamadda sare ee Galmudugna 8dii Febaraayo ay ku xukuntay ganaax lacageed oo gaaraya 60kun oo doolar.
Arrimahanai ayaa yimid Kadib markii saafaradda dalka Yeman ee Soomaaliya ay soo codsatay in la cafiyo nimankaan oo dowlad gobaleedka Galmudug ay qaadatay kadib markii warqadaasi ay soo gaaratay Wasaaradda Caddaalada iyo Garsoorka isla markaana loo geeyay Madaxweyne ku xigeenka Galmudug haddana ah kusimaha Madaxweynaha waxaa cafis buuxa loo fidiyay 4taan badmaax )
Cafiskaan loo fidiyay 4taan badmaax ayaa yimid kadib dadaal dheer oo ay u galeen safiirada Soomaaliya iyo Yeman u kala fadhiya labada dal.
Dhawaan ayaa ciidamada amaanka Galmudug waxay xeebahaasi ka soo qabteen badmaaxiyaashaasi oo u dhashay Yeman

Like it? Share it!