31 Alshabaab ah oo lagu dilay Jubbooyinak

by Hassan Ali | Monday, Mar 27, 2017 | 63 views

27,March,2017(SofoNews) War qoraal ah oo ay soo saartay dowladda Kenya ayaa lagu faah faahiyaay howlgal lagu dialya in kabadan 30 katirsan Alshabaab kaasi oo ka dhacay deegaano hoostaga degmada Badhaadhe ee gobolka Jubada Hoose.
Sidoo kale War saxaafadeed dowladda Kenya ay soo saartay waxaa lagu sheegay in ciidankeedu ay soo qabteen 11 AK-47 ah, afar miino, qalab isgaarsiin, cunto iyo dharka ciidamada loogu talo galay.
Weerarka ayaa la sheegayaa inuu dhacay Axaddii shalay, warkan ka soo baxay Kenya ayaan weli loo xaqiijin karin si madax bannaan Al-shabaabna kama hadlin.
Ciidamada Kenya ayaa sheegay in ay weerarkaasi u adeegsadeen madaafiic iyo diyaarada, kaasoo lagu qaaday meel loogu magacdaray Subow oo qiyaastii 31km dhanka Woqooyi-Galbeed kaga beegan degmada Afmadow ee gobolka Jubada hoose.

Like it? Share it!

Leave A Response