30 Soomaali ah oo ku dhimatay duqeyn ka dhacday dalka Yeman

by Hassan Ali | Friday, Mar 17, 2017 | 77 views

17,,March,2017(SofoNews) Sid uu xaqiijiyaya qunsulka guud ee Soomaaliya u fadhiya magalaad Cadan ee dalka Yeman, Diyaarad nooca qumaatiga u kaca ee Apache ayaa duqeysay doon ay saarnaayeen qaxooti Soomaali ah oo ku sii jeeday dalka Sudan iyadoo ay ku dhinteen 31 ruux oo Soomaali ah oo la sheegey in badankoodi ay Soomaali ahaayeen.
Axmed Suudaan qunsulka Soomaaliya ee Cadan ayaa xusay in dadkaasi Qaxootiga ay haysteen dukumintiyo qaxootinimo oo ay siisay hay’ada Qaxootiga Adduunka UNHCR ayaa doontii ay saarnaayeen waxa ay mareysay marinka Bab Al-Mandab gaar ahaan halka ay kooxda mucaaradka Xuutiyiinta ay ka taliyaan.
Waxaa lagu soo waramaya in duqeymahaasi ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka oo ay leeyihiin ciidamada isbahaysiga oo Sucuudiga uu hogaaminayo.
Naaquudihii waday doonta oo magaciisa lagu sheegay Ibrahim Ali Zeyad ayaa sheegay in 80 ruux oo qaxooti ah ay ka badbaadeen duqeynta.
Isbahaysiga ay hogaamiso boqortoyada Sacudi Carabiya ayaa la sameeyay 2015kii iyagoo dagaal kula jira xoogaga Xuutiyiinta kuwaasoo daacad u ah Madaxweynihii hore ee Yemen Ali Abdullah Saleh.

Like it? Share it!

Leave A Response