30 qof o ku dhimatay qarax ka dhacay goob xaflad aroos ah ay ka socotay

by Hassan Ali | Thursday, Mar 9, 2017 | 98 views

9,March,2017(SofoNews) Wasaaradda caafimaadka dowladda dalka Ciraaq ayaa shaacisay tirada rasmiga ah ee ku dhimatay qarax ka dhacay meel ay ka socotay xaflad aroos ah meel u dhw magaalada Tikrit eedalkaasi Ciraaq.
Saraakiil ka tirsan Booliska ayaa sheegay goobta xafladda in lagu weeraray labo qarax oo loo maleynaayo inay isku soo xireen dad soo dhex galay goobta xafladda arooska ay ka dhaceysay lamana garanayo ilaa iyo haatan sababta ka dambeysa arintani ayadoo ay geeridu gaarayso ilaa 30 qof.
Sida goob joogayaal ay ku waramayaan, Dadka goobta isku qarxiyay, ayaa la sheegayaa inay xirnaayeen Suumanka qaraxyada, kadibna ay dhexda ka galeen dadkii u dabaaldegaayay arooska, mar kaliyana ay isku qarxiyeen.
Dadka uu dhaawaca ka soo gaaray qaraxyadaan ayaa waxaa loola cararay Isbitaallada,iyadoo saraakiisha caafimadka ay sheegeen in Khasaaraha uu intaas ka badan karo.
Wali cidana ma sheegan mas,uuliyadda qaraxyadaan lala beegsaday xafladda Arooska, balse qaraxyada caynkaan oo kala ah ayaa waxaa la aaminsan yahay inay ka dambeeyaan ururka Daacish.
Dalka Ciraaq ayaa waxaa ka soconaya dagaal u dhexeeya ciidamada dowladda iyo koxda daacish waxaana barbar soconaya weeraro qaraxyo ah oo bulshada dhexdeedi ah.

Like it? Share it!

Leave A Response