28 gaari oo gar gaar ku rarnaa oo Alshabaab ku gubay Bokool

by Hassan Ali | Monday, May 1, 2017 | 72 views

1,May,2017(SofoNews) Sida ay sheegayaan dadka shacabka ah ee kunool gobolka Bokool, Al-Shabaab ayaa gubay gaadiid raashin gargaar ah u siday  dadka ay abaaruhu saameeyeen ee kunool deegaano katirsan gobolka Bokool gaar ahaan degmada Waajid ee gobolkaasi.

Maamulka degmada Waajid ee gobolka Bakool ayaa xaqiijiyay in Al-Shabaab ay gubeen gaadiid dad shacab ay lahaayeen kuwo raashin gargaar u siday xili ay sii kordhayaan saameynt abaaraha.

Guddoomiyaha degmadasi oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Illaa 28 gaari kuwa xamuulka ah iyo gaari dameero ganacsato u rarnaa oo raashin lagu soo gelinayay Waajid ayay gubeen.

Deegaano katirsan gobolkasi ayaaa waxaa horey u go’doomiyaya Al-Shabaab iyagoo diiday inay sahay dhulka ah ay gaarto deegaanadaasi  oo ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Al-Shabaab ayaa weerar culus ku qaaday degmada Waajid, waxaana degmada ka jira xaalad bani’aadanimo oo ka dhashay go’doominta ay ku hayaan Al-Shabaab halkasi o ay isku fara saareen ciidamada dowladda iyo kkuwa Alshababa.

 

Like it? Share it!

Leave A Response