25 safiir oo Midowga Africa ka socda oo Muqdisho kula shirsan madaxda dowladda

by Hassan Ali | Friday, Mar 24, 2017 | 101 views

24,March,2017(SofoNews) Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa magalaad Muqdisho kulamo kula yeelanaya maalmahan wafdi uu hoggaaminayo madaxa golaha ammaanka Midowga Afrika Danjire Ndumiso Ntshinga oo booqasho ku yimid Magaaladqa Muqdisho.
Wafuudani ayaa howlo qiimeyn ah ku sameynaya horumarada haatan ka jira Soomaaliya ayadoo ay doonayan sidii wadamada ay ka kalayimaadeen ay ugu warbixin lahaayeen xaaladaha Soomaaliya.
Danjire Ndumiso Ntshinga oo muddo Saddex Cisho ah ku sugnaan doona Magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale kulan la qaatay Guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan.
MAs’uuliyiinta dowladda Soomaaliya iyo xubnahani ka socoday Africa ayaa waxay isla gorfeeyeen sidii loo horumarin lahaa howlaha ay Ciidamada AMISOM ka hayaan Soomaaliya, loona xoojin lahaa dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.
Danjire Ndumiso iyo wafdigiisa ayaa waxay kormeer ku tageen xeryaha Ciidanka midowga Afrika, iyagoo u kuur galay heerka uu gaarsiisan yahay wada shaqaynta ka dhaxaysa iyaga iyo Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed.
Shalay ayaay ahayd markii Muqdisho ay soo gaareen ilaa 25 safiir oo ka socoda Midowga Africa kuwaasi oo u kuurgalaya xaaladad Soomaaliya.

Like it? Share it!

Leave A Response