200 boqol oo qoys oo abaartu saameysay oo gobolka Galgaduud loogu qeybiyaay raashiin gar gaar ah

by Hassan Ali | Monday, Mar 6, 2017 | 84 views

6,March,2017(SofoNews) Xili wali ay taagan tahay saameynta xaalada abaareed ee ka jirta
Bartamaha Soomaaliya ayaa Maanta waxaa Raashin Deeq ah laga qeybiyey Deegaano Hoostaga Degmada Guri-ceel kaar ahaan dhinaca Koonfureen waxaana Raashinkaan Maalintii labaad bixineysa Shirkada Hormuud gaar ahaan qeybta qaabilsan Sama-falka ee Hormuud Foundation Meelaha laga qeybiyey Deeqdaan ayaana waxaa ka mid ah Toon-gabuun, Biya-gaduud, Dabare iyo Miira-jibaale.

Hadaba Dadkii lagaarsiiyey Raashirkaan ku waa soo gaarayey ku dhowaad 200 oo Qoys ayaa qaar ka mid ahi waxa la hadleen Warbaahin waxa ayna sheegeen inay ka mahad celinayaan iyo yagoona codsaday in si intaan ka badan loogu soo gurmado.

Dahabo Kiin Aadan Cali iyo Macalin Maxamed oo ka mid ah Gudiga
Gurmadka Abaara Gobolka ayaa waxa ay ku baaqeen in Dadkan Abaaruhu saameey la la soo gaaro gurmad Deg Deg ah .
Ugu Daambeyn Cismaan C/shakuur Warsame oo ah Madaxa Hormuud ee Gobolka ayaa waxa uu ka warbixiyey Deeqdaan maalmahaan ay bixinayeen .

Marka laga soo tago Raashinkaan manta la qeybiyey ayaa wali waxaa
taagan saameynta abaartu ay ku yeelatay Dadka iyo Duunyada meelaha qaar oo aynu u kuur galnay ayaana aad looga dareemayaa dhibaarada ka taagan Dadka iyo Xoolaha ayaana si isku mid ah waxaa loola raadinayaa Meel biyo qiimaha Biyaha ayaana Deegaanadaasi ka maraya lacag gaareysa 50 oo shilinka Soomaaliga Dadka ayaana wada Heli Karin .

Like it? Share it!

Leave A Response