1da May maalinta shaqalaaha aduunka oo Soomaaliya laga xusay

by Hassan Ali | Monday, May 1, 2017 | 122 views

1,May,2017(SofoNews) Ayadoo Maanta guud ahaan  caalamka  looga dabaaldagayo maalinta Shaqaalaha  aduunka ayaa sidoo kale magaalaada Muqdisho iyo gobolaa dalka Soomaaliya waxaa ka dhacaday munaasabad lagu xusayo maalintan 1da May

Waxaa ka qeybgalay munaasabadahani mas’uuliyiin kairsan dowladda Soomaaliya iyo kuwa dowlada goboleedyada ayadoo siweyn looga hadlay xaaladaha ay ku shaqeeyaan shaqaalaha Soomaaliyeed.

Halkani ka aqriso Taariikha ku aadan maalinta shaqaalaha uu aduunka u asteeyey in ay noqoto 1da May.

Inta la xusuusto waxay bilaabatay maalintan dadaalkii  xoogsatada ee Mareykanka iyo waddamada yurub 1886, ka dib markii ay u adkeysan waayeen dulmiga ay ku hayeen warshadleyda naxriista darneyd,iyagoo xoogsatada ku shaqeysanayay saacado dheer, daryeel la’aan dhinaca nolosha iyio caafimaadka.

Waxaa jiray banana baxyo balaaran  oo ay  ku muujinayaan dhibaatada lagu hayayay  gaar ahaan warshadaha, waxayna dhigeen shaqaalihii xilligaas banaanbaxyo balse warshadleydii ayaa u soo adeegsaday ciidamo kuwaasoo rasaas ku furay dadkii banaanbaxayay  halka loo yaqaan Haymarket ee magaalada Chicago ee dalka Maraykanka sanadku markii uu ahaa 1886,

Hase yeeshee, 1dii May 1889 Shirkii Paris ayaa lagu aqoonsaday xaquuqda xoogsatada adduunka iyadoo 1da May loo asteeyay maalinta xoogsatada adduunka, waxaana saacadaha shaqada laga dhigay 8 saac maalinta , sannadkii bil fasax ah iyo in la daweeyo haddii uu bukoodo ama dhaawac ku gaaro shaqada iyo xaq howlgab markuu waqtiga howlgabka gaaro.

Balse marka loo yimaado Soomaaliya waxaa taariikha shaqalaah Soomaaliyeed ay ka bilaabanaysaa 1954tii.

 

Like it? Share it!

Leave A Response