Madaxweynaha Jubbaland oo furay kalfadhigii 3aad ee baarlamanka(Sawirro)

by Hassan Ali | Monday, Apr 3, 2017 | 85 views

3,March,2017(SofoNews) Kulanka koobad ee Kal-Fadhiga Sadexaad ee Golaha shacabka waxaa goob joog ahaa 52 Mudane oo ka tirsan Golaha iyadoo sidaas uu kulanka ku furmay.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan ayaa kulanka furay isagoo Madaxweynaha uga warbixiyay Fasaxii ay mudada ku maqnaayeen iyo booqasho Xildhibaano katirsan Golaha ay ku tageen deeganada ay matalaan.
Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa qudbad dheer ka jeediyay furitaanka Kal-Fadhiga isagoo ugu horayn ka hadlay abaaraha dalka ka jira oo uu sheegay in ay sabab u tahay amaanka dalka oo aan wanaagsanayn iyo isku socodka oo xun maadama aan meelaha qaar ee Al-Shabaab ay maamulaan aan wax taakulo ah la gaarsiin Karin.
Isbadalkii dhawaan dalka ka dhacay waxaa Madaxweynahu uu sheegay in uu ahaa mid dadku ay aad usoo dhaweeyeen balse loo bahan yahay in Dowlada iyo madaxda Cusub la garab istaago oo lala shaqeeyo qofka u hooseeya ilaa midka u sareeya si Soomaaliya ay mar kale cagaheeda isugu taagto.
Mar uu ka hadlayaay amaankayuu sheegey Madaxweynahu in amaanka Magaalada Kismaayo iyo Magaalooyinka kale xorta ahba uu yahay mid wanaagsan oo la isku halayn karo taasna ay ka timid isku duubnida Bulshada iyo Ciidanka isagoo Xildhibaanada kula dardaarmay in ay qaby ka qaatan wacyi galinta iyo ku baraarujinta Bulshada sidii ay Ciidamada ula shaqayn lahayeen.
Hay’adaha kala duwan ee Dowlada ayuu Madaxweynaha Dowlada Jubbaland sheegay in Xarumo loo dhisayo si gaar ahna wuxuu xusay in Tv-ga Dowlada iyo Wasaarada Warfaafinta dhismo la siiyay oo hada dayactir iyo qalabayn ay ku socoto.
Dhanka kale wuxuu soo hadal qaaday arrimaha Dib u xoraynta wuxuuna Madaxweynahu sheegay in ay tahay wax waajib ku ah dadka iyo Dowladaba in Al-Shabaab lala dagaalamo oo dhulka ay haystaan laga xoreeyo.
Ugu dambeyntii wuxuu ku amaanay baarlamanka JUbbaland howlaha ay u hayaan bulshada isagoo ku dhiiro geliyaay in ay dardargeliyaan howlaha horyaala.

jubaland-3-740x493 jubaland-5-740x493 jubaland-5-740x493-1 jubaland-6-740x493 jubaland-8-740x493 jubaland-10-740x494

Like it? Share it!

Leave A Response