Golaha wasiirada oo la horgeynayo baarlamanka

by Hassan Ali | Wednesday, Mar 29, 2017 | 102 views

29,March,2017(SofoNews) Ra’iisul wasaraah Soomaaliya ayaa maanta Xildhibaanada Baarlamanaka Soomaaliya horgeynaya golihiisa wasiirada cusub ee uu dhawaan soo magacaabay ayadoo sidoo kale oo baarlamanka ka horjeedin doono khudbad ku saabsan barnaamijkiisa xukuumadda.
Xasan Cali Kheyre ayaa ka dalbandoona xildhibaanada in ay ansixiyaan xukuumada, ayadoo Kulanka maanta uu shir guddoomin doono Guddoomiye kuxigeenka 1aad C/wali Ibraahim Muudeey maadaam guddoomiyaha baarlamanka uu qabtay xil dastuuri ah oo ah kusimaha madaxweynaha dalka.
Inkastoo maalmahan ay soo bexeen qilaafaadyo siyaasadeed ayaa hadana waxaa muuqata in xildhibaanadu ay codak siinayaan maadaam xal laga gaaray murankii taagnaa.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku maqan safar dalka dibaddiisi ah isagoo ka qeybgalidoona shir madaxeeka Jaamacadda Carabta oo ka furmaya magaalaad Camaan ee casimadda dalka Jordan

Like it? Share it!