Madaxweyne Farmaajo oo amar culus dul dhigay saraakiisha amniga

by Hassan Ali | Friday, Mar 3, 2017 | 94 views

3,March,2017(SofoNews) Kulankani oo aha mid aan la sii shaacin uu uu dhexmaray madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C.llaahi Farmaajo iyo Taliyaasha Ciidamada Dalka ayaa waxaa looga hadlayay arrimola xiriira sugidda amaanka dalka guud ahaan.
Intii kulankaasi oo ka dhacay aqalka madaxtooyada Villa Soomaaliya uu socday ayaa waxaa uu Madaxweynaha Soomaaliya Taliyaasha Ciidamada ku amray in ay soo qabtaan Dadka Dilalka Qorsheysan ka geysta Magaalada Muqdisho,waxaana uu Xusay in haddii aysan wax ka qaban karin Falalka amaan daro ay iska Casilaan Xilalka ay hayaan.
Ilo ku dhow dhow madaxtooyada ayaa sheegaya in madaxweynaha uu ku yiri taliyaasha ciidamada sida tan “Maalin kasta waxaan Maqalnaa waxaa la dilay Qof sidaa ah Kooxdii Dishayna wey baxsadeen oo lama yaqaan,marka Saraakiisha Ciidamada waxaa laga rabaa in ay wax ka qabtaan.
Hadalka madaxweynaha ayaa imaanaya ayado maalmahan ay sii kordhayaan falalka amaan dari iyo dilalka qorsheysan ee ka dhacaya magaalaad Muqdisho iyo qeybo kamid ah gobolada dalka Soomaaliya

Like it? Share it!

Leave A Response