10 sano kadib oo beelo walaalo ah lagu heshiisiyay Mudug

by Hassan Ali | Saturday, Mar 4, 2017 | 112 views

4,March,2017(SofoNews) Kulankaan oo ahaa mid lagu heshiisiinayay labo beello Dirir ku dhex
martay miyiga gobolka mudug ayaa ka dhacay Degaanka Afbarwaaqo Ee bari Gobolka Mudug .

Waxaa Kulan ka soo qeyb galay Wasiiro ka Tirsan Galmudug Maamulka Gobolka Mudug, Salaadiin Odayaal iyo Waxgarad iyo culumo kala Ma talayay Labada Belood Ee Heshiis gaaray.

Colaada labada Belood ayaa ah mid muddo 10 sano ah soo jiitameysay waxaa hada laga gaaray Heshiis Hor dhac kaasi oo ay qeyb weyn ka qateen Maamulka Galmudug iyo Sidokale Dadka Degaanka.

Qar ka mid ah Odayasahii kala Matalayay Labada Belood ayaa wax ay shegeen in ay Soo Dhaweynayaan Heshiis Hor dhaca ah ee laga gaaray Coladii Mudada soo jirtay,Waxayna shegeen in ay hirgalin Donaan Hehiiskaan Suldaan cabdi madoobe oo aha Suldaanka Guud ee beelaha dagaalamay ayaa sheegay. In dhib badan ka soo mareen sidii ay Heshis udhex dhigi lahayeen labada Belood.

Gudomiyahe ku Xigeenka Gobolka Mudug Axmed Maxmed Shire ayaa in maamulka gobolka mudug xil wayn iska saarayo sidii xal look ala dhax dhigi lahaa beelaha inta badan ku dagaalama miyiga gobolka mudug tanina qayb ka tahay masuuliyada ay bulshada u hayaan.

Wasiirka Daryeelka iyo barakacayaasha galmudug Shire Xirsi Maxamuud ayaa ugu danbeyn ugu baqay beelaha galmudug in ay nabad ka shaqeyaan islamarkaana ka tanaasulaan coladihii mudaada ka dhax
tagnaa.

Like it? Share it!