10-ciyaaryahan oo PSG ah oo Chelsea ka saaray Tartanka Champions League

by admin | Wednesday, Mar 11, 2015 | 559 views

Chelsea ayaa laga saaray tar tanka xilli ay habeen wanaagsan ku qaadatay garoonkeeda oo taagerayaasha ay muujiyeen wixii karaankooda ahaa, waxaana goolal la iska daba keenay ay sababaeen in kooxda Blues ay ka harto koobka sida aadka ah loogu xifaaltamo ee kooxaha Yurub.

mor

Kooxda Chelsea ayaa goolka la hormartay kaddib markii Daafaca reer Ingiriis Kahil uu gool u dhaliyay balse daqiiqado kaddib waxaa bar bareeyay David Silva oo horey looga diray Chelsea isaga oo cayaarta ka dhigay 1-1.

Markii uu dhamaaday waqtigii caadiga ahaa ayaa daqiiqadihii lagu kordhiyay qeybtii hore waxaa Gool ku laad qaladkeedi uu lahaa kabtanka Kooxda PSG Gool u bedelay xariidka Chelsea Azard balse waqti kooban kubad xor ah oo ay lahayd PSG waxaa gool u bedelay isla Kabtan Thiago Silva oo reer Brazil ah.

Ciyaarta ayaa ku dhamaatay 2-2 taasi oo dhigan in PSG ay u soo gudubtay wareegga xiga marka la fiiriyo goolasha ay banaanka ku dhilsay.

Kooxda Chelsea oo sanadkan a woodeeda aad loo hadal hayay ayaa hadda keliya ku soo hartay tartarka Ingiriiska ee Premier League waxaana ay horey u qaaday Capital One Cup.

Intii ay socotay Ciyaarta caawa waxaa garoonka qebtii hore ee Ciyarta laga saaray weeraryahanka reer Sweden IbrahimoVic waxaana taasi ay dhaawac u keentay kooxda sida adag u dagaalantay ee PSG.

Dhanka kale BayerMunich ayaa goolal xad dhaf ah ku soo badisay waxaanay ay kamid tahay kooxaha soo gudbay.

Like it? Share it!

Leave A Response